Jabuuti, 04, Oktober 2025 – Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay hirgelin doonto tallaalka ka hortagga kansarka ilmo-galeenka, iyadoo wasaaradda caafimaadka iyo hay’ado caalami ah ay si wadajir ah u sheegayaan in tallaabadan ay muhiim u tahay badbaadinta nolosha haweenka.
Munaasabadda oo lagu qabtay caasimadda Jabuuti Jimcihii, waxaa ka qeyb galay in ka badan 80 wakiilo oo ka kala socday hay’adaha caafimaadka dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Wasiirka caafimaadka Axmed Rooble ayaa sheegay in tallaalku yahay fursad lagu yareynayo halista cudurkan ee ku badan haweenka.
“Dhawaann waxaannu hirgelin doonaa tallaalka, waxaana ujeedkiisu yahay in uu ka hortago dhibaatada haweenka haysta ee kansarka ku dhaca minka,” ayuu yiri Axmed Rooble.





