Jabuuti, 16 Oktoobar 2025 — Goobta Dayactirka Maraakiibta ee Jabuuti (DSRY) ayaa bilawday howlaha dayactirka ee MV Africa Sun, taasoo ay jabuuti ku tilmaamtay inay caalaamad u tahay horumar kale oo ku saabsan awoodaha badda ee dalka.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Dekedaha iyo Aagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA), shaqadu waxay bilaabatay Arbacadii, waxayna ku saabsan tahay kormeer iyo dib-u-habeyn ballaaran oo maraakiibta ah.
Barnaamijka dayactirka waxaa ka mid ah kormeerka jirka iyo qaybaha biyaha hoostooda, hubinta nidaamyada korontada iyo otomaatiga, dayactirka qaab-dhismeedka iyo sagxadaha, iyo dayactirka taangiyada iyo tuubooyinka si loo hubiyo badbaado buuxda iyo u hoggaansanaanta xeerarka.
“Waxaa la abaabulay in ka badan 150 oo shaqaale xirfad leh si mashruuca loogu fuliyo heer caalami ah isla markaana waqti ku dhammaado,” ayay DPFZA sheegtay.





