JABUUTI, 7 Oktoobar 2025 – Weerarkii Sabtidii ka dhacay xarunta Godka Jilacow ee bartamaha Muqdisho ayaa si xooggan uga caraysiiyay dowladda Jabuuti, oo ku tilmaamtay falka mid “argagixiso ah oo xun.”
Qoraal Isniintii ay baahisay Wakaalada Wararka Jabuuti, dowladda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska dhibbanayaasha waxayna rajeysay in dhaawacyada ay si degdeg ah u bogsadaan.
"Waxaan si adag u cambaareyneynaa falka argagixisada ah. Jabuuti waxay si buuxda u taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee la dagaallamaya kooxaha xagjirka ah. marna ma ogolaan doono falalka argagixisada ee carqaladeeya dadaallada nabadda iyo xasiloonida Gobolka," ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.





