Jabuuti — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah u daahfuray dhismayaal ballaaran oo loogu talagalay horumarinta waaxyaha tamarta ee dalka Jabuuti. Dhismayaashan cusub ayaa loogu talagalay inay ku hawlgalaan Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Jabuuti, iyo sidoo kale Shirka Caalamiga ah ee qaabilsan soo dhoofinta shidaalka jabuuti.
Dhismayaashan oo ka kooban 13 dabaq, ayaa ah xarumo casri ah oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan xirfadlayaal ku takhasusay dhinacyada tamarta iyo kheyraadka, kuwaas oo muhiim u ah dadaallada jabuuti ee lagu horumarinayo awoodda tamarta.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa munaasabadda ka hadlay isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda tamartu u leedahay horumarka dalka. Waxa uuna yiri
“Tamarta waa nolosha oo dhan lagama maarmaan ayay u tahay Jabuuti. Waxaan ku soconnaa jidka Alle nagu hanuuniyay iyo mid aan annaga dhisnay. Halkan waxaan ku soo aruursanay dadaal joogto ah oo u baahan xoolo badan, dadaal badan, iyo barasho ballaaran si loo gaaro horumar waara oo dhinaca tamarta ah.”





