Jabuuti, 30 October 2025 (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Nuur Xasan, ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda daahfurka nidaamka digniinta hore iyo ka-hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, kaas oo lagu qabtay Jabuuti.
Mashruucan oo ku kacaya $2 milyan oo doolar, waxaa maalgelinaya dowladda Shiinaha iyo hay’adaha horumarinta ee Qaramada Midoobay, ee UNDP, waxaana uu diiradda saarayaa in la kordhiyo awoodda dalka ee ka-hortagga khataraha, u-diyaargarowga masiibooyinka, iyo ilaalinta bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Jabuuti, masuuliyiin sare oo ka socday Qaramada Midoobay, iyo madax kale jabuuti ka socday, kuwaas oo ammaanay muhiimadda mashruucan u leeyahay adkeysiga bulshada iyo la-tacaalidda khataraha isbeddelka cimilada.
Wasiirka arimaha Gudaha Jabuuti Siciid Nuux Xasan ayaa sheegay in mas’uuliyadda dowladda ay tahay in ay u diyaar garowdo ka hortaga khataraha halki ay sugi laheed inta dhibaatada ka dhacdo oo dadka ka saameyso.







