Jabuuti (Dawan)- Dalka Jabuuti waxaa si rasmi ah looga daahfuray mashruuc cusub oo loogu talagalay ka hortagga dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, kaas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo ka hortagga saameynta cimilada isbedesha.
Mashruucan, oo socon doona muddo afar sano ah, ayaa diiradda saaraya sidii si wadajir ah loo iska kaashan lahaa yareynta iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
Wakaaladda Qaran ee Saadaasha Hawada Jabuuti ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa barnaamijkan, iyadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo xiriirka iskaashiga ee wadamada gobolka iyo caalamkaba si loo helo xalal waara oo ku saabsan isbeddelka cimilada.





