Obock, Jabuuti – Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray 22 KM oo waddo dib-u-dhis iyo dayactir ballaaran lagu sameeyay oo isku xirta Orobor iyo Medeho, taasoo ah mid muhiim u ah horumarinta isku socodka iyo dhimista go’doonka ka jira gobolka Obock.
Mashruucan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu si weyn kor ugu qaado ganacsiga, fududeeyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah, isla markaana sare u qaado tayada nololeed ee bulshada deegaanka.
Munaasabadda Xadhig-Jarka Oo Ay Ka Qayb Galeen Mas’uuliyiin Sare
Munaasabadda furitaanka waddadan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin:
✅ Wasiirka Ballaarinta Maamulka✅ Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Qalabaynta✅ Wasiirka Qalabeynta iyo Gaadiidka✅ Guddoomiyaha Gobolka Obock✅ Safiirka Faransiiska Ee Jabuuti✅ Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Waddooyinka Jabuuti (ADR)
Mashruucan waxaa maalgeliyay Midowga Yurub, waxaana si farsameysan u hirgelisay Hay’adda Waddooyinka Jabuuti (ADR), iyadoo qayb ka ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto horumarinta isku socodka iyo xoojinta adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.
Xadhig-ka-jarista waddada Orobor-Medeho waxay qeyb ka tahay barnaamijka ADIL, oo ah mashruuc horumarineed oo ay maalgelisay Midowga Yurub, laguna diiradda saarayo kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee gobollada Jabuuti.



