Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Shaqada Jabuuti ayaa soo qabanqaabisay shir looga hadlayo dib u habeynta maamulka kaas oo hiigsanaya in qorshe dhameystiran loo helo horumarka waara.
Shirkaan uu socon doona muddo seddex maalin ah, waxaa kasoo qey galay mas'uuliyiin ay ugu horeeyaan Guddomiyaha Baarlamaanka Dileyta Maxamed Dileyta iyo Ra'iisul Wasaare , Cabduqaadir Kaamil Maxamed
Ujeedada laga leeyahay shirka ayaa ah in la dardargeliyo dib u habeynta lagu sameeynayo xasilinta dakhliga dowladda iyada oo la xoojinayo nidaamka digitaalka ee miisaniyadda wasaaradaha, dhiiragelinta maalgahiga gaarka loo leeyahy, si loo dhimo shaqo la'aanta sidoo kalena la kobciyo halbuurka ganacsiga iyo tayaynta shaqada iyo maamulka wasaaradaha.
Waxaa la qorsheynaya in shirka laga soo saaro afkaaro looga gol leeyahay casriyeynta maamulka si loo gaaro harumar la taaban karo oo dhinaca maamulka ah.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Cumar Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda shirka isaga oo ballan qaaday in la fulin doono talooyinka kasoo baxa, waxa uuna yiri
" waxaan go'aansanay sanandkii 2016 inaan sameyno dib u habeyn ballaaran uu dhanka maamulka ah, si loo hormariyo loona tayeyo adeegyada dowladda. Shirka aan maanta u fadhino waxa uu dhameystiraya hindisahaas, waxaana ku kulminay dhammaan hay'adaha iyo shakhsiyaadka ku lugta leh arrimaha maamulka iyo horumrinta"






