Jabuuti (Dawan)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday taageeradeedda buuxda ee ay u hayso shacabka Suuriya, iyadoo ku tilmaantay xaaladda hadda taagan mid taariikhi ah oo muhiim u ah mustaqbalka dalkaas.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya, iyada oo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan hay’adaha qaran si looga fogaado in xaaladda dalkaas ay ka sii darto.
“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada Suuriya inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, ayna galaan wada-hadal miro-dhal ah si loo soo celiyo nabadda iyo xasiloonida" ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti.



