Jabuuti (Dawan)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Yemen, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka.
Bayaanka rasmiga ah ee ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in xukuumaddu si dhow ula socoto horumarrada ka socda Yemen, isla markaana ay taageersan tahay dhammaan dadaallada lagu doonayo dejinta xiisadda, xakamaynta qalalaasaha, iyo wax ka qabashada sababaha asaasiga ah ee mushkiladda.
Bayaanku wuxuu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada qaranka, wadajirka dhuleed iyo amniga Yemen.
Jabuuti waxay sidoo kale soo dhoweysay kaalinta ay ka ciyaarayso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taageeridda xasilloonida Yemen iyo adkeynta amniga gobolka, gaar ahaan sugidda xuduudaha. Jabuuti waxay ku tilmaantay Sacuudiga dal walaal ah oo door muhiim ah ka qaadanaya dadaallada nabadda ee gobolka.







