Hiiraan, 6 Maarso 2026 (Dawan)– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Khamiistii si rasmi ah uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, taas oo qayb ka ah qorshaha ay dowladda doonayso inay ku hirgeliso doorashooyinka “qof iyo cod” ah.
Degmada Matabaan ayaa noqonaysa degmadii labaad ee ka tirsan gobolka Hiiraan ee laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, kaddib markii saddexdii bishan olole si la mid ah laga daahfuray degmada Jalalaqsi.
Munaasabadda daahfurka, oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan guddiga iyo maamulka degmada, ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka deegaanku is-diiwaangeliyaan si ay u helaan xaqa ay ugu codeyn lahaayeen madaxda matalaysa goleyaashooda deegaanka.








