Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku wargelisay in sanadkan aan looga tashan doonin gurmad ku saabsan abaaraha ka jira dalka.
Guddoomiyaha SODMA ayaa hadalkan ka jeediyay barnaamij Twitter Space ah oo ay qabatay Dawan, kaasoo looga hadlayay xaaladda sii xumaaneysa ee abaaraha ka jira qaybo badan oo Soomaaliya ah iyo dadaallada lagu maareynayo gurmadka bani’aadannimo.
Maxamuud Macallin ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal badan gelisay isku-duwidda gargaarka ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka (World Bank), Midowga Yurub (EU), iyo Mareykanka, balse waxa uu xusay in safiirkii Mareykanka Richard Riley uu u sheegay in dhinacooda aan looga tashan gurmad ku saabsan abaaraha.
“Waxaan runtii qabanay shaqo badan oo ku saabsan isku-duwidda gargaarka, oo ay ku jiraan deeq-bixiyeyaasha sida World Bank, EU, iyo Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, safiirka Mareykanka mar aan la kulmay ayaa ii sheegay in aanan si buuxda ugu tashan,” ayuu yiri Maxamuud Macallin.








