Jabuuti, Maarso 6 (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Imaaciil Cumar Geelle, ayaa khadka taleefanka ku xaqiijiyay taageerada uu la garab taagan yahay Boqorka Urdon, Cabdullaahi bin Xuseen xilli ay sii kordhayso xiisadda dagaal ee Bariga Dhexe, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Djibouti maalintii Khamiista.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xaaladda amni ee dalka Urdon , oo bartilmaameed u noqday weerarro qayb ka ah colaadda toddobaad jirsatay ee u dhexeysa Iran oo dhinac ah iyo Mareykanka iyo Israel oo dhinac ah.
Intii uu socday wadahadalku, Madaxweyne Geelle iyo Boqor Cabdalla ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay wadahadallo hor leh oo lagu soo afjarayo colaadda laguna soo celinayo xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Geelle ayaa xaqiijiyay “garab-istaagga shacabka iyo dowladda Jabuuti ” ee ku aaddan Urdon, oo uu ku tilmaamay saaxiib muhiim ah.







