Imaaraadka Carabta, 6 Maarso 2026 (Dawan) – Safaaradda Jabuuti ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Jimce ah xaqiijisay in dhammaan muwaadiniinta Jabuuti ee dalkaas ku sugan ay badqabaan, kaddib xiisadihii ugu dambeeyay ee ka taagnaa gobolka iyo weerarradii lagu beegsaday dalalka Khaliijka.
War-saxaafadeed ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta deggen iyo kuwa booqashada ku jooga Imaaraadka ay dhammaantood badqabaan. Waxay sidoo kale xustay in muwaadiniinta booqashada ku jooga dalkaas dib loogu celin doono dalkooda marka si rasmi ah dib loogu furo duulimaadyada hawada ee Imaaraadka, kuwaas oo saameyn ay ku yeelatay xaaladda gobolka ee hadda taagan.








