New York Maarso 6, 2026 (Dawan)– Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Khamiistii u magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), isla markaana uu hoggaamin doono howlgalka nabad-ilaalinta ee MONUSCO.
“Mudane Swan waa diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer ka soo shaqeeyay dalalka Afrika ee wajahaya isbeddello qalafsan oo dhinaca siyaasadda iyo amniga ah,” ayay Qaramada Midoobay ku tiri qoraal ay soo saartay.
Swan, oo ah diblomaasi sare oo Mareykan ah, ayaa xilkan loo magacaabay isagoo markii hore hoggaaminayay Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo la aasaasay Maarso 28, 2025.
Magacaabistaas xilligaas waxay timid kaddib markii uu muddo ku-sime u ahaa howlgalka tan iyo bartamihii sanadkii 2024, isaga oo kormeerayay kala-guurka u dhexeeya howlgalkii hore ee UNSOM iyo midka cusub ee UNTMIS.
Magacaabistan cusub ee Congo ayaa timid xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur ah oo ku aaddan joogitaanka Qaramada Midoobay, kaddib markii dowladda federaalku codsatay in la soo afjaro howlgalkii hore ee UNSOM, kaas oo lagu beddelay kan hadda jira.







