Jabuuti, Noofembar 1, 2025 — Dowladda Jabuuti ayaa furtay qaab qaran oo lagu hirgelinayo Qodobka 6 ee Heshiiska Paris, sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Jabuuti Jimcihii.
Qaabkaan, oo lagu diyaariyey taageero ka timid Qaramada Midoobay gaar ahan qeebta Isbedelka Cimilada (UNFCCC), wuxuu ujeedkiisu yahay inuu xoojiyo ka-qaybgalka dalka ee suuqyada caalamiga ah ee kaarboonka.
Sida ay sheegtay wasaaradda, qaabkan wuxuu Jabuuti u sahlayaa inay ka qayb gasho ganacsiga Natiijooyinka Yaraynta Kaarboonka ee Si Caalami ah (ITMOs), isagoo hubinaya hufnaan iyo u hoggaansanaan heshiisyada caalamiga ah. Waxa kale oo la filayaa inuu furo fursado cusub oo maalgelin cimilada ah si loo taageero mashaariicda dhimista qiiqa, dib-u-soo-nooleynta deegaanka, iyo tamarta nadiifta ah.
“Qaabkan wuxuu Jabuuti u oggolaanayaa inay soo jiidato maalgashi ku saabsan mashaariic deegaanka oo saameyn weyn leh, isla markaana xoojiya madax-bannaanideeda cimilada,” ayey wasaaraddu sheegtay.





