Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay marti gelineyso todobaadka soo socda wada xaajood dhax mara dhinacayda Suudaan isku dagaalaya siddeedi bilood ee lasoo dhaafay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa isagoo ku hadlaya arrintaas, waxa uu bartiisa “X” ku soo qoray “Toddobaadka soo socda, Jabuuti oo heysa Madaxtinimada Urur Goboleedka IGAD, waxay gogol nabadeed u fidineysaa wada hadallada Suudaan"
Wasiirka ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwa muhiim ah oo go'aan looga gaarayo colaadda Suudaan ee daba dheeraatay, basle ma sii faahfaahin.
Arbacadii Lasoo dhaafay. Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku wargelisay in dib loo dhigay kulankii Madaxweynaha Golaha Qaranimada Suudaan, Cabdifataax Al-Burhan, uu la yeelan lahaa Taliyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah, Maxamed Xamdaan Daglo ilaa bisha Janaayo.
Kulanka labada dhinac ayaa la qorsheynayay inuu Caasimadda Jabuuti ka dhaco Khamiista la soo dhaafay, si loo soo afjaro dagaalka labada dhinac ka dhax qarxay tan iyo bishii April ee la soo dhaafay.
Dowladda Jabuuti ayaa ku mashquulsaneed isbuucaan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo laga yaabo in ay baajisay kulankii Suudaanta ee lagu ballansanaa Khamiistii lasoo dhaafay.



