Jabuuti (Dawan) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa loo doortay Guddoomiye cusub ee Guddiga Hogaaminta Caafimaadka Bariga Afrika (RESCO) kadib shirkii saddexaad ee guddigan, oo lagu eegay isku dubaridka siyaasadaha caafimaadka ee gobolka Bariga Afrika. Doorashadan ayaa la sameeyay 17 Juun 2025, waxaana sidoo kale loo doortay Tanzania Madaxweyne ku-xigeenka guddigan.
Shirkan, oo ka dhacay caasimadda Jabuuti, waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Caafimaadka ee Jabuuti, Axmed Robleh Cabdilleh. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Caafimaadka ee dalalka gobolka Bariga Afrika, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaji Aadan Abubakar, Wasiirada Caafimaadka ee Dalalka xubnaha ka ah ururkaan iyo wakiillo ka kala socda ururo caalami ah sida Ururka Midowga Afrika (AU), Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), iyo Ururka Iskaashiga Dowladaha Geeska Afrika (IGAD).
Guddiga Caafimaadka Bariga Afrika, oo la aasaasay si loo xoojiyo iskaashiga caafimaadka ee Bariga Afrika, wuxuu diiradda saaraa sidii loo hagaajin lahaa isku xirnaanta jawaabaha looga baahan yahay xaaladaha caafimaad ee xuduudaha ka gudba, isku dubaridka siyaasadaha caafimaadka, iyo dhismaha nidaamyo caafimaad oo adkeysi leh oo ka hortagi kara caqabadaha soo kordhaya. Guddigan ayaa door muhiim ah ka ciyaara dejinta istiraatijiyadaha caafimaadka ee gobolka, iyadoo si gaar ah loo eegayo khataraha caafimaad ee ay keeni karaan isbedelka cimilada iyo faafaahinta cudurrada.
Axmed Robleh Cabdilleh, Wasiirka Caafimaadka ee Jabuuti, ayaa sheegay: “Si buuxda ayaa loo qirayaa masuuliyadda ka timaadda hogaaminta guddigan. Jabuuti waxay go’aan cad ka qaadatay sidii ay u xoojin lahayd wada-shaqeynta caafimaadka iyo sidii aan u horumarin lahayn jawaabta gobolka ee caqabadaha caafimaad ee aan wajahno.”







