By Abukar Osman
Xalay, munaasabad guur wadareed oo si balaaran loo soo qabanqaabiyay ayaa ka dhacday degmada Balbala ee magaalada Jabuuti, iyadoo shan qoys oo dhalinyaro ah lagu guuriyay. Munaasabaddan, oo ka mid ahayd barnaamijka dowladda Jabuuti ay u qabato dhalinyarada aan awoodin qarashaadka guurka, ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska Jabuuti, iyadoo la kaashaneysa ururka "Waayaha Qoyska" ee dalkaasi.
Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Jabuuti, Muna Aadam, oo ka qeyb gashay munaasabadda, ayaa soo bandhigtay ahmiyadda guurka dhalinyarada, iyadoo sheegtay in dowladda Jabuuti ay muhiimad gaar ah siineyso in guurka aan loo arkin culeys, balse uu yahay fursad lagu dhiso qoysas iyo bulsho. Wasiir Muna Aadam ayaa sidoo kale xustay in guurka uu yahay "arsaaqad soo biirtay" oo u baahan in si wanaagsan loo daryeelo, si qoysasku ugu guuleystaan.
“Dhalinyaradu waa in lagu bogaadiyo inay guurka u arkaan fursad, ma aha culeys. Guurku waa arsaaqad cusub oo loo baahan yahay in si wanaagsan loo beero, qoysaska cusub ee dhismahooda waa mustaqbalka dalka,” ayay tiri Wasiirka.



