Djibouti City, Djibouti – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Abdul Amir Al-Shammari, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti 25 April 2025, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, Saciid Nuux Xasan.
Booqashadan ayaa diiradda saartay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo labada wasiir ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada ammaanka iyo ka hortagga khataraha caalamiga ah.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, Wasiir Saciid Nuux Xasan ayaa muujiyay go'aan adag oo ku saabsan dhisidda aasaaska iskaashi xooggan oo dhex mara labada wasaaradood. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimada wada-shaqeynta si loo xoojiyo amniga iyo nabadgelyada gobolka.





