Jabuuti, 4 Maarso 2026 (Dawan)– Jabuuti iyo maalgashadayaal Faransiis ah ayaa kala saxiixday heshiis horudhac ah oo lagu bilaabayo mashruuc ballaaran oo kalluumeysi waara ah, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Saxiixa dhexmaray Wasiirka Beeraha Jabuuti, Maxamed Axmed Cawale, iyo maareeyaha mashruuca kalluumeysiga ee MERLOUP Fishing Djibouti, ayaa dhacay maalintii Talaadada, kaddib booqasho saddex maalmood ah oo wafdi Faransiis ahi ku tageen caasimadda.
Maalgashigan ayaa ujeeddadiisu tahay in nidaamka kalluumeysiga Jabuuti loo beddelo silsilad warshadeed oo casri ah, iyadoo xoogga la saarayo hal-abuurka, hababka waara iyo dhisidda xarumo gudaha ah oo kalluunka lagu farsameeyo.
Marka laga soo tago dhinaca wax-soo-saarka, mashruucu wuxuu sidoo kale ka kooban yahay qodobo khuseeya tababarro farsamo iyo abuurista fursado shaqo.






