Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa Axaddii, 24-ka bishaan Nofeembar 2024, si rasmi ah u daahfurtay Mashruuca Dhallinyarada ee Ganacsiga loogu dhiirrigelinayo si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada (PEJACC). Munaasabadda furitaanka oo lagu qabtay magaalada Jabuuti, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kalluumeysiga iyo Xoolaha, Mudane Maxamed Axmed Cawaaleh, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Mudane Ilyaas Muuse Dawaaleh, iyo wakiillo ka socday Bangiga Horumarinta Afrika , oo uu hoggaaminayey Pascal Sanginga.
Maalgelinta iyo Ujeeddooyinka Mashruuca
Mashruuca PEJACC ayaa ah mid ballaaran oo miisaaniyaddiisu gaareyso $57.4 milyan (oo u dhiganta 10.4 bilyan oo franc Jabuuti ah). Mashruucan waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika, Sanduuqa Horumarinta Afrika (FAD), Xarunta Taageerada Kala-guurka (FAT), iyo Sanduuqa Waxqabadka Cimilada. Qayb ka mid ah dhaqaalaha mashruuca ayaa sidoo kale laga helay deyn ay bixisay FIDA.
Mashruucu waxa uu diiradda saarayaa dhiirrigelinta dhallinyarada iyo haweenka iyada oo loo marayo:
Abuurista 200 shirkadood oo yar iyo kuwo dhexdhexaad ah.
Shaqo-abuurinta 3,500 shaqo oo joogto ah iyo 2,300 shaqo oo ku-meelgaar ah, kuwaas oo 60% ay dhallinyaro yihiin halka 40% ay haweenka yihiin.






