Jabuuti, 16 Nofeembar 2025 — Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jabuuti ayaa digniin adag u dirtay ganacsatada aan raacin qiimaha rasmiga ah ee dowladda u dejisay quutal-daruuriga, kadib kormeer ballaaran oo lagu sameeyay suuqyada magaalada Hayo ee gobolka Obock.
Kormeerka oo maalgelintiisu ka timid Bangiga Adduunka, ayna fulinayeen kormeerayaal ka socda wasaaradda, ayaa lagu baaray kaydka cuntada, xaaladda suuqyada iyo sida ganacsatada ugu hoggaansan yihiin xeerarka qiimaynta. Mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo wasaaraddu waxay sheegeen in keydka raashinka ee Hayo uu ku filan yahay, balse aysan oggolaan doonin koror sharci-darro ah oo ku dhacay alaabaha asaasiga ah ee ay dadka danyartu ku tiirsan yihiin.
Alaabaha si gaar ah loo eegay waxaa ka mid ahaa bariiska, saliidaha cuntada, sokorta, caanaha iyo agabka kale ee muhiimka u ah nolosha maalinlaha ah. Intii uu socday kormeerku, waxaa la helay dukaamo ku shaqeynaya qiimo ka sarreeya kii dowladda, taas oo keentay in la ganaaxo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Cabdi Faarax Qayaad, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladda ay sii wadi doonto kormeerka joogtada ah si loo ilaaliyo awoodda wax iibsiga ee shacabka.







