Djibouti City, Jabuuti, – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu sheegtay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) in in ka badan 36,000 oo qaxooti ah oo ku sugan dalka ay wajahaan xaalad dhaqaale oo aad u adag, taasoo adkeyn doonta in Jabuuti ay kaligeed sii waddo taageerada haddii ay waaydo taageerada UNHCR.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shalay ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Said Nouh Hassan, uu sheegay in hay’adda qaxootiga ee Jabuuti (ONARS) aysan awoodi doonin inay mushaharka shaqaalaha sii bixiso wax ka badan toddobaadyo, haddii aysan helin taageero degdeg ah oo UNHCR ah. Wasiirka ayaa adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la helo xalal dhaqaale oo waara.
“Waxaa lama huraan ah in si degdeg ah loo helo xalal dhaqaale oo waara,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.
Xaaladdan adag ayaa soo korortay kadib markii Mareykanku joojiyey 45% taageeradii uu siin jiray UNHCR, taasoo si weyn u saameysay miisaaniyadda hay’adda iyo bixinta adeegyada muhiimka ah ee qaxootiga sida waxbarashada, caafimaadka, iyo ilaalinta.



