Jabuuti – 8 December 2025- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Axaddii Madaxtooyada ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Qu Dongyu, oo booqasho rasmi ah ku tegay dalkaas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta beeraha iyo xoolaha, sugidda cuntada, iyo mashaariic kale oo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka. Waxa sidoo kale la isla gartay sidii loo horumarin lahaa cuntooyinka kala duwan, ganacsiga beeraha iyo kalluumeysiga, iyo taageerada mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah Jabuuti.
Wasiirka Beeraha ee Jabuuti, Maxamed Axmed Cawaale, ayaa xaqiijiyay in lagu ballamay maalgelin ku dhow $100 milyan oo loogu talagalay mashaariicda horumarinta beeraha iyo xoolaha. “Waxaan helnay ballan-qaad maaliyadeed oo ku dhaw $100 milyan, oo lagu taageerayo mashaariicda beeraha iyo xoolaha,” ayuu yiri Wasiir Cawaale.







