Jabuuti (Dawan ) _Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday deeq raashin degdeg ah oo ay ku baxayso $52 milyan, taasoo loo marsiinayo Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), iyadoo Jabuuti lagu daray liiska afarta dal ee gargaarka helaya. Dalalka kale waxaa ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Itoobiya, iyo Haiti.Gargaarkan ayaa la filayaa inuu gaaro ku dhowaad 1.9 milyan oo qof, waxaana raashinka si toos ah looga keenayaa beeraleyda iyo warshadaha cuntada ee Mareykanka. Waxaa la qeybin doonaa 12,702 tan oo raashin ah, oo ay ku jiraan Misir, Bariis, Saliid, iyo Super Cereal Plus(Mushaari)
“Mareykanka wuxuu siinayaa $52 milyan WFP si raashin naf-badbaadin ah loo gaarsiiyo dadka u baahan ee Congo, Itoobiya, Haiti, iyo Jabuuti,” ayuu yiri Tommy Pigott, Afhayeen ku-xigeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ka dhacay Washington.
Raashinka ayaa laga dhoofin doonaa bakhaarada Houston ee Mareynaka iyo Jabuuti, taasoo muujinaysa doorka istiraatiijiga ah ee Jabuuti ku leedahay gargaarka gobolka.Inkastoo deeqaha Mareykanka ay inta badan gaaraan meelaha ay macluushu ba’an tahay, ku darista



