Doha (Dawan)- Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Jabuuti, Hiba Muumin ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha laba iyo tobnaad ee Golaha Wasiirada Dhaqanka ee Caalamka Islaamka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Shirka oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo ka kala socda in ka abdan 50 dal oo muslim ah ayaa sannadkaan lagu falanqeyyay xoojinta iyo horumarinta is-dhaxgalka dhaqamada waddamada dunida islaamka.
Wasiiradda oo khudbad ka jeedisay shirka ayaa caddeysay in dowladda Jabuuti ay siiso ahmiyad gaar ah ilaalinta dhaqanka iyo hiddaha u gaarka ah Jabuuti iyo dhaqanka ay wadaagga kula tahay dalalka islaamka.
Wasiiradda aya sidoo kale iftiimisay masaahriicda dowladda Jabuuti hirrgelisay iyada oo mudnaanta la siinayo dhinacayda hiddaha, dhaqanka iyo dhallinyarada





