Cape Town (Dawan)- Gudoomiyaha Baarlaamaanka Jabuuti, Dileyta Maxamed Dileyta ayaa booqasho ku tagay dalka Koonfur Afrika, si uu xoojiyo taageerada musharaxnimada Jabuuti ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Gudoomiyaha ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Koonfur Afrika iyo dhigiisa dalkaas, isaga oo ka codsaday inay garab istaagaan musharaxa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf , oo u taagan xilka Gudoomiyaha Midwoga afrika.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Jabuuti ay taageero uga raadinayso dowlado badan oo Afrikaan ah si ay ugu guuleysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.





