Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa loo doortay hoggaanka rasmiga ah Golaha Fulinta ee Africa ku metali doona hay’adda UNESCO.
Golaha iskaashiga fulinta hay'adda UNESCO oo iskugu yimid kulankoodii 218-aad oo ka dhacay dalka magaaladiisa Paris ee xarunta u ahFaransiiska ayaa Ayad Muscab Yaxya u magacaabay wakiilka Afrika ee hay'adda UNESCO.
Golaha oo isku shaadhayn ku sameeyay guddiga Golaha fulinta ayaa Ayad Muscab Yaxya u magacaabay Xubinta Africa ku metali doonta Golaha Unesco.
Ayad Muscab ayaa ah safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya dalka Faransiiska.



