Jabuuti ayaa shalay martigelisay kulan hordhac ah oo gogol-xaar u ah shir ballaaran oo caalami ah, kaasoo diiradda lagu saarayo istaraatiijiyadda maalgeshiga gobolka iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira gudaha iyo dibadda Jabuuti. Shirkaas oo la magac baxay Djibouti Forum 2025 ayaa si rasmi ah u dhacaya intii u dhaxeysa 6 ilaa 8 Abriil 2025.
Djibouti Forum-ka ayaa la filayaa inuu noqdo dhacdo muhiim ah oo saameyn weyn ku yeelan doonta kobaca dhaqaalaha gobolka iyo Afrika guud ahaan. Waxaa lagu martigelin doonaa hoggaamiyeyaasha caalamiga ah, maalgashadayaasha waaweyn, iyo siyaasiyiin heerar kala duwan ah, si looga wada hadlo fursadaha iskaashi ee u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Ujeedka shirkan ayaa ah in la isku xiro daneeyayaasha kala duwan, iyadoo la abuurayo fursado shabakadeed (networking) oo dhex mara ganacsatada, maalgashadayaasha iyo madaxda siyaasadeed. Wuxuu noqon doonaa goob muhiim ah oo lagu lafaguro aragtiyada cusub, istaraatijiyadaha horumarineed, iyo hababka cusub ee lagu xoojin karo iskaashiga dhaqaale.
Sida ay warisay African Business, “Shirku wuxuu ujeedkiisu yahay inuu isku xiro daneeyayaasha isagoo abuura fursado shabakadeed oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ganacsiga, maalgashadayaasha, iyo siyaasiyiinta.”







