Jabuuti, 4 Febraayo 2026 (Dawan)— Jabuuti ayaa martigelisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee Hagaajinta Gaadiidka (JTSC) ee ku saabsan isku xirka gaadiidka Turkiga iyo Afrika, sida ay maanta oo Arbaco ah sheegtay Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA).
Kulanka waxaa furay Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabka ee Jabuuti, Xasan Xuumad Ibraahim, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha DPFZA, Abuubakar Cumar Haadi, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Turkiga, Aden Xuseen, iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Jabuuti, Sabri Ergen.
DPFZA ayaa sheegtay in kulankani uu ka dhashay is-faham (MoU) la saxiixay sannadkii hore oo u dhexeeyay dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Ghana, Laybeeriya, Mauritania, Jamhuuriyadda Kongo iyo Guinea, kaas oo ujeeddadiisu yahay xoojinta isku xirka gaadiidka iyo kor u qaadista isu socodka ganacsiga ee dalalka ka qaybgalaya.
Wasiirka Gaadiidka Xuumad wuxuu khudbadiisii furitaanka ku sheegay in xoojinta kaabayaasha waddooyinka iyo tareennada ee ku xiran dekedaha ay lagama maarmaan u tahay hagaajinta helitaanka dalalka aan badda lahayn, isagoo raaciyay in isku xirka la xoojiyay iyo habraacyada casriga ah ay gacan ka geysan doonaan dhimista kharashyada iyo kor u qaadista tartanka.





