Djibouti- Jabuuti waxaa ka qabsoomay shirweyne looga hadlayay horumarinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga,Sanduuqa Madaxa Bannaan ee Jabuuti ayaa soo qaban-qaabiyay wajiga labaad ee Shirka horumarinta maalgashiga Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, iyo masuuliyiin ka kala socday xukuumadda, baarlamaanka, iyo hay’ado caalami ah ayaa kasoo qayb galay shirkaan ka qabsoomay Jabuuti.Ajandayaasha shirkaan looga hadlayay ayaa ahaa horumarinta fursadaha maalgashi, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, iyo dardargelinta kaabayaasha dhaqaalaha.Masuuliyiintii kasoo qayb galay ayaa kawada hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha la xiriira kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga Geeska Afrika.Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, oo shirka ka hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay in shirarka noocaan oo kale ah ay kordhinayaan aaminaadda awooda ganacsi ee Jabuuti iyo horumarka ay ku tallaabsaneyso.
Agaasimaha guud ee Sanduuqa Madaxa Bannaan ee Jabuuti ayaa sheegay in sanduuqa uu go’aan ku gaaray in madashaan ay noqoto madal lagu wadaago caqabadaha horyaalo, aqoonyahannaduna ay isweydaarsadaan khibradooda.
Geesta kale, ganacsatadii kasoo qayb galay shirka ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay dhalinyarada ganacsatada ah shirarka noocaan oo kale ah.Bandhigaan ayaa inta uu socday, Sanduuqa Madaxa Bannaan ee Jabuuti waxa uu qorsheeyay kulamo kale oo talo-wadaag ah, kuwaas oo looga hadlayo fursadaha dhaqaalaha Geeska Afrika.



