Jabuuti (Dawan)- Waxaa magaalada Jabuuti ka qabsoontay munaasabadda xuska sanadguurada 60-aad ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB). Munaasabadda oo ka dhacday Hoteelka Kempinski ayaa waxaa ka qeyb galay xubno uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika. Sidoo kale, Wasiirka Dhaqaalaha Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa ka mid ahaa marti-sharafta munaasabadda.
Munaasabadda xuska sanadguurada AfDB ayaa fursad u noqotay in mar kale lagu adkeeyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Intii ay socotay munaasabadda, labada dhinac waxay soo bandhigeen qorshayaal lagu xoojinayo barnaamijyada ay ka wada shaqeeyaan.
Guddoomiye ku-xigeenka AfDB, Nnenna Nwabufo oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeysay in tobankii sano ee ugu dambeysay, Bangigu uu si gaar ah u xoojiyay xiriirka uu la leeyahay waddamada Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxay tilmaantay in iskaashiga AfDB uu muhiimad weyn u leeyahay horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee Afrika.





