Jabuuti (Dawan) – Safiirka Faransiiska ee Jabuuti, Dana Purcarescu, ayaa soo gabagabeysay muddadii saddexda sano ahayd ee ay Jabuuti ku joogtay oo ay ka shaqeyneysay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Waxaa sagootin ugu sameeyay xafiiskiisa shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita, halkaas oo labada dhinac ay ku adkeeyeen iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Faransiiska.
Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Jabuuti, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ammaanay dadaalka Safiir Purcarescu ee ku aaddanaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo baarlamaanka.Wuxuu uga mahadceliyay dedaalladeeda joogtada ah ee ku saabsan horumarinta xiriirka labada dal muddadii ay xilka haysay.





