Shire CabdiJabuuti – Jabuuti ayaa martigelisay dhoolatus ballaaran oo lagu baranayo samatabbixinta iyo badbaadinta dadka la kulma shilalka badda. Dhoolatuskan, oo ka dhacay xeebaha Jabuuti, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo gurmadka degdegga ah, si wax looga qabto halista ay la kulmaan dadka doomuhu la qalibmaan sida ay sheegtay dowladda Jabuuti.
Munaasabaddan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan, ayaa waxaa hormuud u ahaa Wasiirka Caafimaadka ee Jabuuti. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadda Jabuuti iyo hay'adaha samatabbixinta, gaar ahaan kuwa Faransiiska oo khibrad sare u leh arrimaha badbaadinta badda.
Intii uu dhoolatusku socday, waxa lagu tijaabiyey hab-raaca samatabbixinta, laga billaabo gurmadka goobta shilka ilaa daaweynta dadka la badbaadiyo. Waxaa la tusaaleeyey sida loo samatabbixin karo dad saaran doon la qalibmatay, iyadoo la adeegsaday farsamooyin casri ah. Intii ay socotay tijaabadan, waxaa la badbaadiyey 30 qof oo loo qaaday goobaha caafimaadka si loo siiyo daryeel degdeg ah.
Dhoolatuska waxaa ka qayb galay waaxyaha kala duwan ee dowladda, oo ay ku jiraan booliska xeebaha, jandarmaariga, ciidamada milatariga iyo laamaha caafimaadka. Wasiirka Caafimaadka oo goobta ka hadlay ayaa xusay muhiimada uu barnaamijkani u leeyahay Jabuuti, maadaama ay tahay dal xeeb ku yaalla oo si joogto ah uga faa’iidaysta marinnada badda.





