Jabuuti (Dawan)– Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay wadahadallada uu ku baaqay Madaxweynaha Golaha Hoggaaminta Yemen, Rashaad al-Calimi, kuwaas oo la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Riyaad, isla markaana diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee Koonfurta Yemen iyo sidii loo xoojin lahaa amniga, midnimada, iyo wadajirka dalka Yemen.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in baaqa wadahadalladu uu yahay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta dib-u- soo nooleynta wadahadal qaran oo dhammaystiran, laguna wajihi karo caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee muddada dheer ka taagnaa Koonfurta Yemen.
Jabuuti, oo ah dal deris la ah Yemen, ayaa tilmaamtay in xasilloonida Yemen ay si toos ah ula xiriirto amniga iyo nabadda guud ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Dowladda Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqday in kulanka Riyaad uu yahay fursad qaali ah oo lagu soo afjari karo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed, laguna yareyn karo xiisadaha colaadeed ee ka aloosan Koonfurta Yemen, iyadoo ku baaqday in dhammaan dhinacyada siyaasadeed ay ka qayb qaataan wadahadal furan oo wax ku ool ah.






