Jabuuti, 10 Oktoobar 2025 (Dawan) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Soo dhaweeyay heshiiska xabad joojinta Qasa iyo heshiiska sii-deynta maxaabiista, kaas oo ku saleysan soo-jeedinta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Qoraal uu soo dhigay akoonkiisa Twitter-ka gaarka ah, Madaxweynaha Geelle ayaa ammaanay dadaallada ay sameeyeen Mareykanka, Qatar, Masar, iyo Turkiya, isagoo ku booriyay in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska si loo xaqiijiyo nabad, helitaanka gargaarka bani’aadamnimo, iyo wadada lagu gaari karo xal laba-dawladood.
Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Twitter ku qoray:“Jabuuti waxay soo dhoweyneysaa heshiiska xabad joojinta Qasa iyo heshiiska sii-deynta Maxaabiista ee soo jeejinta Mareykanka. Waxaan ammaanaynaa dadaallada Mareykanka, Qatar, Masar, iyo Turkiya. Waxaan ku boorrineynaa hirgelin buuxda si loo xaqiijiyo nabad, helitaanka gargaarka bani’aadamnimo, iyo wadada lagu gaari karo xal laba-dawladood ah.” ayuu ku qoray barta X.
Heshiiska Xabad joojinta iyo Sii-deynta Maxaabiista:






