Jabuuti, Maarso 9, 2026 (Dawan)— Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muujiyay taageerada buuxda ee dalkiisa uu u hayo Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib weerarro cirka ah oo ay Iiraan la beegsaday qeybo ka mid ah waddamada Khaliijka.
Madaxweyne Geelle ayaa Sabtidii khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, si uu ugu muujiyo garab istaagga Jabuuti, kaddib weerarro lagu qaaday dhulka Imaaraadka.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xiisadda gobolka ee sii kordheysa, taas oo ay ku tilmaameen weerarro aan loo meel dayin oo ay Iiraan ku beegsanayso waddamada Khaliijka, xilli ay jirto colaad ballaaran oo ay ku lug leeyihiin Maraykanka iyo Israa’iil.
Geelle ayaa sidoo kale Axaddii khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo u muujiyay taageerada Jabuuti ee Doha. Wuxuu ku sifeeyay Qatar “dhibbane aan waxba galabsan” oo ay saameeyeen colaadaha sii xoogeysanaya ee gobolka Bariga Dhexe.






