Jabuuti, Maarso 9, 2026 (Dawan) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa Axaddii cambaareeyay weerarrada cirka ah ee Iiraan ay ku qaaday dhowr waddan oo Carbeed, isagoo ku sifeeyay “xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dalalka,” isla markaana ku baaqay jawaab mideysan oo gobolka ah oo laga bixiyo xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.
Isagoo ka hadlayay kulan degdeg ah oo qaab fogaan-arag ah ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta, Cumar ayaa sheegay in weerarradaasi si weyn ugu xadgudbeen mabaadi’da deris-wanaagga, isla markaana ay halis u yihiin inay kiciyaan colaad ballaaran oo gobolka ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in amniga waddamada Carabta uu yahay mid aan la kala qaybin karin, isagoo xusay in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida hal waddan loo arko khatar ku timaada amniga guud ee Carabta.







