Tehraan (Dawan)— Golaha Khubarada Hoggaanka ee Iiraan ayaa doortay Mujtaba Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha ruuxiga cusub ee dalka, kaddib markii aabbihii, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah Cali Khamenei, lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil oo lala beegsaday gurigiisa.
Mujtaba Khamenei oo haysta darajada culimada Shiicada ee Aayatullaah, ayaa loo arkaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saamaynta badan gudaha nidaamka Iiraan, inkastoo aanu hore u qaban xil dowladeed oo muuqda, isla markaana uusan si badan uga soo muuqan fagaarayaasha dadweynaha.
Dhalashada iyo Barbaarkiisa
Mujtaba Khamenei waxa uu ku dhashay 7-da Sebtembar 1969 magaalada Mashhad ee waqooyi-bari Iiraan. Waa wiilka labaad ee hoggaamiyihii hore ee Iiraan Cali Khamenei.
Wuxuu ku soo hanaqaaday xilli uu socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ka dhan ahaa nidaamkii Shah ee Iiraan, iyadoo aabbihii uu ka mid ahaa culimadii diinta ee hormuudka u ahaa dhaqdhaqaaqaas.
Waxbarashadiisa Diineed
Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, Mujtaba wuxuu dhammeeyay waxbarashadiisa dugsiga sare ka hor inta uusan ku biirin xawza-da diinta ee magaalada Qum, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee barashada culuumta Shiicada.
Waxa uu cilmiga Diinta ka bartay culimo waawayn, oo ay ka mid yihiin Maxamed Taqi Misbah Yazdi iyo Lutfullah Safi Golpaygani, isagoo bartay fiqiga iyo culuumta diinta.
Warbaahinta Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in Mujtaba weli wax ka dhigo xarunta diiniga ee Qum, isla markaana uu ku sugnaa magaaladaas markii la duqeeyay guriga aabbihii.
Khibradda Milatari iyo Siyaasadeed
Mujtaba Khamenei wuxuu ka qayb galay dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, iyadoo warbixinada qaar ka mid ah saraakiisha Ilaalada Kacaanka Iiraan ay tilmaamayaan inuu ku biiray furimaha dagaalka sannadkii 1986, isagoo 17 jir ah.
Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu door aan rasmi ahayn ku lahaa arrimo xasaasi ah oo siyaasadeed iyo amni, iyadoo warbixino kala duwan ay sheegayaan inuu ka qayb galay la-tashiyo ku saabsan go’aanno muhiim ah oo gudaha dalka ah. Arrintan ayaa ka dhigtay shakhsi si dhow loola socdo gudaha Iiraan.







