Shabeellaha Hoose (Dawan) — Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay gaarsiiyay kaararka codbixinta magaalada Marka iyo Walawayn, gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo loogu talagalay doorashada golayaasha deegaanka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo geeddi-socodka dimuqraadiyada iyo hubinta in muwaadiniintu helaan fursad ay ku doortaan hoggaankooda deegaanka.
Degmooyinkaan, waxaa horey uga socday diiwaangelinta codbixinta, iyadoo qaadashada kaararka codbixintu socon doonto muddo hal bil ah.








