Jabuuti (Dawan)- Shirweynaha dawooyinka caafimaadka ayaa ka furmay Jabuuti, iyada oo looga doodayo sannadkaan hubinta tayada dawada laga keeno dibadda iyo ilaalinta caafimaadka muwaadiniinta Jabuuti.
Sanduuqa Qaran ee daryeelka Bulshada oo kaashanaya shirkadaha sheybaarka dawooyinka ayaa soo agaasimay shirweynahaan oo socon doona muddo seddex maalin ah.
Wasiirka shaqada ee Jabuuti, Cumar Cabdi Saciid, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la qabto shir nucaan ah iyo tillaabooyinka lagu hubinayo helitaanka dawooyin tayo leh iyo agab caafimaad oo casri ah.
Dhankiisa, Wasiirka Caafimaadka Jabuuri, Dr. Axmed Rooble Cabdulle, ayaa tilmaamay in nidaamka caafimaadku u baahanyahay in looga shaqeeyo si wada jir ah si bulshada looga haqab tiro dhinaca adeegyada caafimaadka.
Wasiirka ayaa ku booriyay qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya caafimaadka in ay la yimaadaan hal abuur cusub oo wax looga qabanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyada oo laga faa'iideysano heerka laga gaaray tignoolajiyada dunida.





