Beijing, China - Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Yonis Cali Guedi, ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu kulan kula yeeshay madaxda sare ee shirkadda China First Highway Engineering Co. Ltd (CFHEC), xilli uu ku guda jiro safarkiisa rasmiga ah ee Shiinaha.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jabuuti kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee shirkadda CFHEC 1 May 2025, waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan wafdiga Jabuuti, oo ay ku jiraan Lataliyaha Farsamada ee Wasiirka, Mahdi Waberi Hassan, Agaasimaha Kheyraadka Dabiiciga ah, Aadan Hyd Ismaaciil, iyo sidoo kale wakiillo ka socday shirkadaha Salt Investment S.A. iyo Warshadda Dabaysha Ghoubet.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo baadi-goobka fursado cusub oo maalgashi oo la xiriira qaybta tamarta ee Jabuuti, taas oo Wasiir Guedi uu ku tilmaamay mid muhiim u ah madax-bannaanida dhaqaale ee dalka.





