Jabuuti (Dawan)- Jabuuti ayaa si rasmi ah u daahfurtay imtixaanka xulista macallimiinta cusub ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026. Barnaamijkan, oo ay si wadajir ah u hirgeliyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Shaqada, wuxuu diiradda saaraya buuxinta 350 boos oo muhiim ah oo ka bannaan nidaamka waxbarashada dalka.
Imtixaanka waxaa u fariistay 4,620 macallin, kuwaas oo u tartamaya boosaska loo qorsheeyay inay qayb ka noqdaan kor u qaadista tayada waxbarashada Jabuuti. Mas’uuliyiin ka socda labada wasaaradood ayaa kormeeray goobaha imtixaanka, iyagoo hubinaya habsami u socodka hawsha iyo xaqiijinta tartanka loogu jiro fursadaha lasoo bandhigay.



