Jabuuti – Wasaaradda Waxbarashada Qaranka & Tababarka Xirfadaha iyo Wasaaradda Waxbarashada Sare & Cilmi-baarista ee dalka Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis dhismeed (framework agreement) oo saldhig adag u noqonaya iskaashi waara oo dhexmara labada dhinac. Heshiiskan ayaa loogu talagalay in si wanaagsan loogu habeeyo safarka waxbarasho ee ardayda laga bilaabo dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed ay ka gaarayaaan
Xafladda saxiixa heshiiskan ayaa lagu qabtay dugsiga "Excellence" Juun 2, 2025, waxaana si rasmi ah u saxiixay Wasiirka Waxbarashada Qaranka, Moustapha Mahamoud Mohamed, iyo Wasiirka Waxbarashada Sare, Dr. Nabil Mohamed Ahmed.
Iskaashigan oo ay khubarada waxbarashadu ku tilmaameen "mid taariikhi ah", waxa uu sal dhig u yahay qorshe-wadaag ku wajahan arrimo muhiim ah sida: horumarinta xirfadaha macallimiinta, xiriirka u dhexeeya manhajyada iyo cilmi-baarista, hagaajinta habdhiska koorsooyinka, iyo kor u qaadidda fasallada diyaargarowga ee dugsiyada sare kuwaas oo weli aan si buuxda loo aqoonsan balse leh awood wax-ku-ool ah.







