Jabuuti (Dawan)- Shil baabuur oo ka dhacay isgoyska magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa sababay dhaawacayada 15 qof oo 4 kamid ah ay yihiin dhaawacyo culus.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen bas ay saarnaayeen dadka kasoo noqonayay xagaa baxa iyo gaari xamuul ah, sida uu sheegay TV-ga qaranka ee RTD.
Waxyar kadib markii uu shilka dhacay, waxaa goobta gaaray waaxda gurmadka iyada oo dadkii dhaawacmay loo fiidyay gargaar degdeg ah kadibna loo qaaday isbitaalada ku yaala magaalada Belbala, halkaasi oo lagu daweynayo.



