New York (Dawan)- Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa siiyay Golaha Ammaanka taas oo la xiriirta arrimaha ka jira Soomaaliya, sida amniga, siyaasadda, dib u eegista dastuurka, arrimaha bini’aadantinimada, iyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Amniga
Swan waxa uu bogaadiyay howlaggallada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isaga oo kooxda ku ku cambaareeyey falalka ka dhanka ah dadka rayidka ah.
"Ilaalinta dadka rayidka waa inay ahaato mudnaanta koowaad. Waxaan cambaareyneynaa weerarrada argagixisanimo, waxaana tacsi u direynaa qoysaska laga dilay dadkooda,” ayuu yiri Swan.
Wuxuu tilmaamay in dalka laga saaray 5,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS ah tan iyo June 2023 tillabadaas oo qayb ka ah qorshaha kala guurka ee amniga dalka lagu wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay jirto baahi dhanka kaalmada ciidamada ah .
"Amnigu waa mudnaanta koowaad ee dowladda Soomaaliya. Dhammaan saaxibada caalamku waa in ay damaanad qaadaan maalgelinta agabyada lagama maarmaanka u ah ATMIS, oo weli la daalaa-dhaceysa dhaqaalo xumo".
Dhamaystirka Dastuurka
Swan waxa uu Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay tillaabsatay oo ay ku jirto ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2025-2026, iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dib-u-habaynta dastuurka iyo hannaanka doorashada.
“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu wax ka bedel weyn ku sameeyay Dastuurka kumeel gaarka ah , isagoo dib u xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay in la helo qaab doorasho oo hal qof iyo hal cod ah,”
Isaga oo isla arrintan ka hadlaya ayuu dhinacyada kala duwan ugu baaqay in ay xal ka gaaraan khilaafaadka ka jira dhamaystirka Dastuurka " Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saamilyeda Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay u xallin lahaayeen khilaafaadkooda ayna u gaari lahaayeen heshiis la isku raacsan yahay"
Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee badda
Dhinaca kale, waxa uu walaac ka muujiyey heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland wada galeen billowgii sannadkaan, kaas oo dhalay khilaaf xoogan oo soo kala dhex gala Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya iyo in xiisadda taagan lagu xalliyo si nabad ah.






