New York (Dawan)- Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa maanta warbixin ka siiyay Golaha Ammaanka xaaladda Soomaaliya, isaga oo xusay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya weli diiradda u saareyso arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo Golaha Wasiirrada Federaalka ay ansixiyeen saddex xeer oo muhiim ah oo la xiriira doorashooyinka.
Arrimaha Doorasahooyinka
Dhanka doorashooyinka, Mudane Swan wuxuu sheegay in ansixinta shuruuc doorasho oo la hirgelin karo iyo in la dhiso guddiga doorashada madaxa banaan ay noqon doonaan tilmaamo muhim ah oo muujinaya horumarka laga gaari karo doorasho qof iyo cod ah – wuxuuna ballanqaaday in Qaramada Midoobay, ay ka taageeri doonto wax ka qabashada caqabadaha farsamo, saadka iyo kuwa kale iyo in la abaabulo taageero dhaqaale oo laga helo deeq-bixiyayaasha si loo gaarsiiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonaan karo.
Arrimaha Amniga
Dhanka amniga, La-dagaalanka Al-shabaab waxa uu xusay in ay ka mid tahay ahmiyadaha koowaad ee amniga Soomaaliya, isagoo u sheegay Golaha Ammaanka in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo wax ku ool ah iyadoo kooxda (argagixisada ahna ) ay sii waddo in aysan ixtiraamin nolosha rayidka iyaga oo adeegsanaya madaafiic ay ku beegsanayaan xarumaha dadweynaha, qaraxyo iyo weerarada ismiidaaminta – “Waxaan hoosta ka xariiqayaa cambaareynta ay soo saareen QM ee weerarradaas, waxaana ku celinayaa taageerada Qaramada Midoobay ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u taagan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata,” ayuu yiri.
Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
Ku-simaha Ergeygu waxa uu xusay inuu ka walaacsanyahay sii socoshada xiisadaha gobolka ka dib is-afgaradkii lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo ee u dhexeysay Itoobiya iyo Somaliland, isagoo ammaanay dadaallada dhexdhexaadineed ee saaxiibbada caalamiga ah, waxa uu xusay go’aankii Golaha Ammaanka ee lagu xaqiijinayey madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku boorriyey Itoobiya iyo Soomaaliya in ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa xal dublamaasiyadeed, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.



