Muqdisho (Dawan)- Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
" Swan waxa uu diiradda saari doonaa sidii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa arrimaha hortebinta u leh ee dhinacyada nabada, amniga iyo dowlad-dhiska" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabistiisa James Swan 14-kii May, wuxuuna kulamo ballaaran la qaatay madaxda Qaramada Midoobay, inta uusan u soo safrin Soomaaliya.





