Japuuti (Dawan)- Dowladda Japan ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan 27.89 milyan oo doollar oo loogu talagalay dhismaha buundada Palmeraie ee dalka Jabuuti. Mashruucan oo ah mid casri ah ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo isku socodka gaadiidka, kobcinta ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Jabuuti.
Wakaaladda Wadooyinka Jabuuti (ADR) ayaa shaacisay in heshiiska la xiriira mashruucan lagu saxiixay magaalada Tokyo, waxaana dhanka Jabuuti u saxiixay Safiirka Jabuuti ee Japan, Ibraahim Bileh, iyo Agaasimaha Guud ee ADR, Soubaneh Said Ismael. Buundadan, oo ay dhisi doonto shirkadda laga leeyhaay Japan ee FUJITA Daiwa House Corporation, ayaa lagu wadaa in la bilaabo bisha Janaayo 2025.
Mashruuca buundada Palmeraie ayaa noqonaya mid aan dib loo celin doonin qarashaadka ku baxaya, waxaana loogu talagalay inuu xoojiyo isku xirka saadka, fududeynta habsamu u socodka ganacsiga iyada oo bulshda loo horseedayo horumra waara. Dhismahan cusub ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, wuxuuna gacan ka geysanaya sidii Jabuuti loogu beddeli lahaa xarun muhiim ah oo saadka iyo ganacsiga caalamiga ah.



